Gaalkacyo – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saanad rasaas ah oo maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo lagu eedeeyay inay laheyd, islamarkaana u rarneyd Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiqafaar Xaange, iyadoo la sheegay inay ku wajahneyd xerada Barda-dheere ee dhanka Puntland.
Sida ay tilmaamayaan xogaha hordhaca ah ee la helayo, saanadda la qabtay ayaa la sheegay inay ka koobneyd 50 sanduuq oo rasaasta qoryaha AK-47 ah, 30 sanduuq oo rasaasta qoriga Dhashiikaha ah, iyo 60 sanduuq oo isugu jiray rasaasta hoobiyeyaasha noocyada 82mm iyo 120mm.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in baaritaanno lagu wado dhacdadan, hase yeeshee weli lama shaacin faahfaahin rasmi ah oo caddeyneysa cidda leh saanaddaasi iyo ujeeddada rasmiga ah ee loo waday.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Cabdiqafaar Xaange ama maamulka Puntland oo ka hadlaya sheegashada la xiriirta lahaanshaha saanaddan iyo halka ay ku socotay.
Waxaa xusid mudan in xogtan aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin, iyadoo la sugayo war rasmi ah oo ka soo baxa hay’adaha ay arrintan khuseyso ama natiijada baaritaannada socda.



