Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loo soo gabagabeeyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Danab, kaas oo lagu qabtay Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa Taliyaha Ciidanka ku weheliyay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Sidoo kale waxaa goobta ka qeyb galay Taliyaha Xerada Balli-doogle ee Mareykanka Major Robert Zimmerman, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed iyo kuwa iskaashiga la leh.
Intii ay socotay munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u jeediyay ciidamada dhameystay tababarka, isagoo ku bogaadiyay dadaalka, adkeysiga iyo kartida ay muujiyeen muddadii uu socday tababarku.
Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa askarta cusub kula dardaarmay inay si daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ku barteen uga faa’iideeyaan gudashada waajibaadkooda ciidan iyo difaaca dalka.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in kor u qaadista tayada iyo xirfadaha ciidamada ay laf-dhabar u tahay dhismaha ciidan qaran oo awood leh, isla markaana diyaar u ah ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah qorshaha joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Danab oo door muuqda ka qaata howlgalada lagu sugayo amniga iyo kuwa ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wada dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka, iyadoo tababarro noocan oo kale ah lagu kobcinayo xirfadaha ciidan si loo dardargeliyo howlgalada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixisada.












