Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay hub ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay geysay magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku tilmaamay arrin halis gelin karta nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha shacabka ku nool deegaannada Galmudug iyo Puntland.
Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in dagaalkii maanta ka dhacay Gaalkacyo uu ka dhashay hubka la geeyay magaalada, iyagoo sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha inuu wado waxa ay ku tilmaameen damac siyaasadeed oo sii hurin kara xiisadaha.
Goluhu wuxuu xusay in Gaalkacyo ay muddo dheer ka soo kabanaysay colaado hore, isla markaana aan loo baahnayn tallaabooyin dib u hurin kara xaaladda amni ee magaalada.
Sidoo kale, waxay tilmaameen in xilligan oo AS ay kordhisay weerarrada ay ka fulinayso qeybo badan oo dalka ka mid ah, ay habboon tahay in ciidamada dowladda diiradda saaraan la dagaallanka argagixisada, halkii loo adeegsan lahaa arrimo siyaasadeed.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



