HomeWarkaMadaxweyne Xasan sheekh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee...

Madaxweyne Xasan sheekh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jabuuti.

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayay.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qaybta ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada wadajirka ah, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jabuuti ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhanka difaaca ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo isla qaatay in wada-shaqeynta amni ay door muhiim ah ka qaadato sugidda xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan la dagaallanka argagixisada, taageeridda howlgalada amniga iyo dib u dhiska hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo dalalka saaxiibka la ah ee ka qeyb qaadanaya sugidda amniga iyo hirgelinta himilooyinka nabadda iyo xasilloonida dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments