Shirkadda Hormuud ayaa fariin kooban oo rasmi ah u dirtay macaamiisheeda, iyadoo ku sheegtay in la xaliyay culeyskii saameeyay adeegyada EVC Plus iyo adeegga ku hadalka.
Fariintan oo shacabka ugu soo dhacday qaabka SMS ama fariinta gaaban ayaa timid kadib markii saacado kooban ay kumannaan qof oo isticmaala adeegga EVC Plus ay la kulmeen cilad ka hor istaagtay inay isu diraan lacagaha, taas oo dhalisay cabashooyin badan oo ku baahay baraha bulshada iyo meelaha ay dadweynuhu ku kulmaan.
Intii ay ciladdu jirtay, macaamiil badan ayaa sheegay inay awoodi waayeen inay diraan ama helaan lacagaha ay u baahnaayeen, arrintaas oo saameyn ku yeelatay ganacsiyada yaryar, adeegyada maalinlaha ah iyo dadka ku tiirsan isticmaalka EVC Plus.
Kadib markii fariinta Hormuud la baahiyay, dad badan oo adeegsada adeegga ayaa sheegay in adeeggu dib ugu soo laabtay sidii caadiga ahayd, isla markaana ay hadda si caadi ah isu diri karaan lacagaha, iyadoo ay dib u bilaabatay isticmaalka adeegyada EVC Plus.
Hormuud ayaa fariinteeda uga mahadcelisay macaamiisha dulqaadka iyo fahamka ay muujiyeen muddadii uu culeysku jiray. Shirkaddu waxay sidoo kale ku wargelisay macaamiisha in wixii faahfaahin dheeraad ah ay kala xiriiri karaan xarumaha adeegga macaamiisha ee 141, 101 ama WhatsApp.
Cilladda ayaa ahayd mid muddo kooban socotay, hase yeeshee waxay si weyn u soo jiidatay dareenka bulshada maadaama adeegga EVC Plus uu yahay habka ugu badan ee lacagaha la isugu diro gudaha Soomaaliya.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



