Boosaaso – Maamulka Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay xerada ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, kaddib wadahadallo dhexmaray xukuumadda Puntland iyo saraakiishii ciidamadii halkaasi ku sugnaa, kuwaas oo dhawaan ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddi ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, maamulka gobolka Bari iyo saraakiil ciidan ayaa aroornimadii hore gaaray xerada, halkaas oo lagu xaqiijiyay in ciidamadii ku sugnaa ay si rasmi ah ugu biiri doonaan Ciidamada Daraawiishta Puntland.
Dhanka kale, gaadiid ay lahaayeen ciidamada PSF oo habeenkii xalay ka baxay magaalada Qardho ayaa la xaqiijiyay inay gaareen degmada Sarmaanyo ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland.
Sidoo kale, wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamadii ku sugnaa xerada Barda-dheere, kuwaas oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay u guureen deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa imanaya 24 saacadood kaddib markii ciidamada Puntland ay dagaal kula wareegeen xerada PSF ee magaalada Gaalkacyo. Sida wararku sheegayaan, Puntland ayaa muddo laba maalmood ah u qabatay ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaaraan inay ku biiraan ciidamada Puntland ama ay ka baxaan deegaannada ay ku sugan yihiin.
Xilligan waxaa sidoo kale socda dadaallo iyo wada-hadallo ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka ee beelaha qaarkood, kuwaas oo lagu doonayo in xal looga gaaro xaaladda taagan iyo sidii ciidamo kale dib loogu soo celin lahaa dhinaca Puntland.



