HomeWarkaTaliyeyaasha Ciidamada AUSSOM oo Muqdisho Ku Yeeshay Shir Muhiim ah

Taliyeyaasha Ciidamada AUSSOM oo Muqdisho Ku Yeeshay Shir Muhiim ah

Muqdisho – Taliyeyaasha ciidamada ee dalalka ciidamada ku biiriya Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa maanta shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay qorshaha wejiga xiga ee hawlgallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoominayay Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Lt. Gen. Sam Kavuma, ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka kala socotay dalalka ciidamada ku leh howlgalka AUSSOM iyo mas’uuliyiin la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray qiimeynta xaaladda amniga ee dalka, horumarka laga sameeyay hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyo qorsheyaasha lagu dardargelinayo howlgalada wadajirka ah ee u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu falanqeeyay geeddi-socodka kala-guurka amniga Soomaaliya, kaas oo lagu doonayo in mas’uuliyadda amniga dalka si tartiib tartiib ah ugu wareegto ciidamada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay arrimaha la xiriira diyaarinta iyo dhismaha ciidamada (Force Generation), kor u qaadista tayada howlgalka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa joogtaynta taageerada ay Soomaaliya ka hesho dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka.

Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb gashay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhanka amniga, is-weydaarsiga xogta sirdoonka, iyo isku-dubaridka hawlgallada si loo dedejiyo dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab loona xasiliyo deegaannada laga xoreeyay kooxda.

Shirkan ayaa daba socda Shir Madaxeedkii Kampala ee qabsoomay 31-kii Luulyo, kaas oo hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM ay ku gaareen go’aanno muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka. Kulanka Muqdisho ayaa ujeeddadiisu tahay in go’aannadaas siyaasadeed loo beddelo qorshayaal ciidan oo wax-ku-ool ah iyo tallaabooyin hawlgal oo si degdeg ah loo hirgelin karo.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale la isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM, si loo xaqiijiyo in howlgalka uu si hufan uga jawaabo caqabadaha amni ee weli taagan, isla markaana loo taageero dadaallada dowladda ee ku aaddan dib u soo celinta nabadda, xasiloonida iyo awoodda hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu mideynayo qorshayaasha ciidan iyo siyaasadeed, iyadoo AUSSOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadaan iskaashi dhow oo lagu xaqiijinayo amni waara, laguna xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed si ay mustaqbalka si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments