HomeWarkaDEG-DEG: Cabdirashiid Janan oo isku dhiibay Axmed Madoobe

DEG-DEG: Cabdirashiid Janan oo isku dhiibay Axmed Madoobe

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Taliyihii Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan, uu ka baxay mowqifkii Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu isku dhiibay Maamulka Jubaland.

Sida wararku sheegayaan, Cabdirashiid Janan oo muddooyinkii dambe khilaaf siyaasadeed iyo mid amni kala dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu wadahadallo kula jiray maamulka Jubaland, kuwaas oo ugu dambeyn sababay inuu qaato go’aan la xiriira dhinaca uu taageerayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Janan uu la baxay ciidamo la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Gedo.

Go’aankan ayaa haddii uu xaqiijiyo, wuxuu saameyn ku yeelan karaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka Gedo, xilli uu weli jiro khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo ku saabsan arrimo siyaasadeed iyo amni.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan go’aanka Cabdirashiid Janan, mana cadda tirada ciidamada la sheegay inay la socdaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments