Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ahna Taliyaha Ciidanka Cirka, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi).
Kulanka oo ka dhacay xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo diyaar-garowga dowladda ee wax ka qabashada saameynta laga filayo roobabka xooggan ee lala xiriirinayo Super El Niño, gaar ahaan khatarta fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo ee ka dhalan kara roobabka la saadaalinayo.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay si hore ah ugu diyaar garoobaan xaaladaha degdegga ah, iyadoo xoogga la saarayo badbaadinta shacabka, gaarsiinta gurmadka iyo yareynta khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu isla qaatay in Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaataan howlaha gurmadka iyo badbaadinta bulshada, gaar ahaan marka ay dhacaan xaalado degdeg ah oo u baahan gurmad degdeg ah iyo gaadiid loo adeegsado meelaha ay adkaan karto in lagu gaaro waddooyinka dhulka.
Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu door muuqda ka qaato howlaha gurmadka, xog-ururinta iyo qiimeynta xaaladaha dhulka, iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo muhiim u noqon kara ogaanshaha meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen iyo qiimeynta baahiyaha bulshada.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa bogaadiyay doorka Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda, si loo helo jawaab degdeg ah oo wax-ku-ool ah marka ay soo baxaan xaaladaha bani’aadannimo.
SoDMA ayaa sheegtay in diyaar-garowga hore, xogta saxda ah iyo wada-shaqeynta hay’adaha ay muhiim u yihiin yareynta saameynta masiibooyinka iyo ilaalinta nolosha iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli hay’adaha ay khuseyso ay sare u qaadayaan diyaar-garowga ku aaddan xaaladaha cimilada iyo roobabka la saadaalinayo, iyadoo xoogga la saarayo in bulshada loo diyaariyo khataraha fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee ka dhalan kara isbeddellada cimilada.



