HomeWarkaSoomaaliya iyo taliyaaniga oo ka wada Hormarinta ka faaideysiga kheyraadka badda soomaaliya.

Soomaaliya iyo taliyaaniga oo ka wada Hormarinta ka faaideysiga kheyraadka badda soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa ka warbixiyey kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga, dhaqaalaha buluugga ah iyo sidii loo horumarin lahaa ka faa’iideysiga kheyraadka badda Soomaaliya.

Wasiirka Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga caalamiga ah, si Soomaaliya ay u horumariso waaxda kalluumeysiga, loona abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo oo ka faa’iideysta kheyraadka badda ee dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday muhiimadda taageerada farsamo iyo maalgashi ee lagu horumarin karo kaabeyaasha kalluumeysiga, kor u qaadista wax-soo-saarka iyo suuq-geynta kalluunka Soomaaliyeed, iyo sidii loo gaarsiin lahaa suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa waddo dadaallo lagu xoojinayo maamulka iyo ka faa’iideysiga waara ee kheyraadka badda, iyadoo ujeeddadu tahay in dhaqaalaha buluugga ah uu noqdo mid kaalin muuqata ka qaata kobaca dhaqaalaha dalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saarayso horumarinta dhaqaalaha badda iyo sidii loo soo jiidan lahaa iskaashi iyo maalgashi caalami ah oo wax ka tari kara kobcinta waaxda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments