Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u furay Shir-weynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka Cuntada Soomaaliyeed ee NAFIS 2026, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta wax-soo-saarka gudaha, horumarinta waaxda beeraha iyo kobcinta maalgashiga.
Shir-weynaha ayaa ah madal looga hadlayo fursadaha maalgashi ee ka jira qaybta beeraha iyo nidaamka cuntada Soomaaliya, iyadoo la isku keenayo dowladda, ganacsatada, maalgashadayaasha, khubarada iyo daneeyayaasha kale ee ku lugta leh horumarinta wax-soo-saarka gudaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qabashada Shir-weynaha NAFIS 2026 ay xambaarsan tahay farriin muhiim ah oo muujinaysa jihada cusub ee hoggaanka Qaranka, taas oo salka ku haysa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo abuurista fursado maalgashi oo ku wajahan beeraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursado waaweyn oo dhinaca wax-soo-saarka cuntada ah, kuwaas oo ay saldhig u yihiin dhul ballaaran oo ku habboon beeraha, khayraadka biyaha iyo awoodda bulshada Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in fursadahaasi, haddii si wanaagsan loo maalgashado loona horumariyo, ay Soomaaliya ka caawin karaan inay gaarto isku-filnaansho dhanka cuntada ah, isla markaana ay yareyso ku tiirsanaanta wax-soo-saarka dibadda.
“Waxaan hubaa in maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka Cuntada uu muhiim u yahay dalkeenna iyo guud ahaan Geeska Afrika. Wax-soo-saarka dalkeennu wuxuu kor u qaadayaa dhaqaalaha dalka, wuxuu kobcinayaa kaabeyaasha horumarineed ee gobolka, wuxuuna fursad siinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Waa bilowga dakhliga iyo xaqiijinta isku-filnaanshaha cuntada dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hay’adaha iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya ugu baaqay inay la jaanqaadaan isbeddellada ka socda dalka iyo qorshayaasha cusub ee Qaranka.
Waxa uu xusay in Soomaaliya maanta aysan ahayn sidii hore, isla markaana dowladda ay dib-u-habeyn ku sameysay qorshayaasheeda qaran, iyadoo dejisay hannaan iyo qorsheyaal cusub oo lagu horumarinayo dowladnimada, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan dhinacyada taageera Soomaaliya ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda, ayna taageeradooda waafajiyaan qorshayaasha iyo mudnaanta Qaranka.
Shir-weynaha NAFIS 2026 ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saarayso horumarinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta maalgashiga, abuurista shaqooyin iyo xaqiijinta isku-filnaanshaha cuntada, iyadoo beeraha loo arko mid ka mid ah tiirarka muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.



