Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo hore u ahaa wasiirkii gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa magaalada Yaoundé ee caasimadda Cameroon kulan kula yeeshay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeenta dalka Cameroon, Marwo Célestine Ketcha Courtès.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-dhaafsiga aragtiyada iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, iyadoo kulankaan uu qeyb ka yahay kulamo uu Wasiir Oomaar la qaadanayo madaxda iyo masuuliyiinta dowladda Cameroon.
Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid ka mid ah dhowr kulan oo uu maalmaha soo socda la yeelan doono madaxda dalka Cameroon, kuwaas oo looga hadlayo arrimo la xiriira iskaashi, horumar iyo danaha labada dal.
Wasiir Célestine Ketcha Courtès ayaa kamid ah masuuliyiinta dowladda Cameroon ee qaabilsan howlaha guud iyo horumarinta guryeynta, iyadoo khibrad iyo door muuqda ku leh siyaasadaha horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka dalkaas.
Kulamadan ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya iyo dalal badan oo Afrikaan ah ay xoojinayaan iskaashiga dhinacyada horumarinta, maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Maxamed Cabdullaahi ayaa la filayaa inuu kulamo kale la yeesho masuuliyiin iyo madax ka tirsan dowladda Cameroon inta uu ku sugan yahay magaalada Yaoundé.



