Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles, Sebastian Groth.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo siyaasadda, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Jubaland iyo Dowladda Jarmalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay taageerada Jarmalka ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo taabtay dhinacyada horumarinta, xasilloonida iyo adeegyada bulshada.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya wajahdo arrimo siyaasadeed, amni iyo horumarineed oo u baahan iskaashi iyo taageero caalami ah.
Dowladda Jarmalka ayaa ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida, horumarinta hay’adaha iyo adeegyada bulshada.
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiir Sebastian Groth ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo wadatashiga ku aaddan arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.



