Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Wadatashiga Arrimaha Waxbarashada, kaas oo muddo laba maalmood ah u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad-Goboleedyada dalka.
Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta wada-shaqeynta, isku-duwidda iyo wada-tashiga hay’adaha waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo looga gol leeyahay in si wadajir ah looga arrinsado horumarinta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada Soomaaliya.
Inta uu socdo shirka, waxaa la filayaa in Wasaaradda Federaalka iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad-Goboleedyadu ay iska xog-waraystaan xaaladda guud ee waxbarashada, isla markaana ay si wadajir ah uga doodaan arrimaha mudnaanta u leh horumarinta waxbarashada iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso.
Wadatashigan ayaa sidoo kale fursad muhiim ah u ah isku-xirka siyaasadaha iyo qorshayaasha waxbarashada, is-dhaafsiga khibradaha iyo xogaha, iyo sidii loo abuuri lahaa aragti mideysan oo lagu wajaho caqabadaha iyo fursadaha ka jira nidaamka waxbarashada dalka.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siisa iskaashiga iyo wada-shaqeynta Dowlad-Goboleedyada, iyadoo la aaminsan yahay in wadajir iyo isku-duubni lagu gaari karo horumar waara oo lagu tayeynayo nidaamka waxbarashada dalka.
Shirka maanta ka furmay Muqdisho ayaa la filayaa inuu noqdo madal muhiim ah oo lagu sii xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada waxbarashada, laguna dardargelinayo qorshayaasha iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo waxbarashada Soomaaliya.



