Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa digniin culus u diray dalalka Midowga Yurub, isagoo sheegay in Moscow ay qaadi doonto tallaabooyin aargoosi ah haddii dalalka Yurub ay sii wadaan qabashada ama la wareegidda maraakiibta ganacsi ee Ruushka.
Putin ayaa sheegay in haddii dalalka Yurub ay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah maraakiibta Ruushka, Moscow ay si la mid ah uga jawaabi doonto, isla markaana tallaabooyinkaasi aysan ku koobnaan doonin meelaha ay dhacdo qabashada maraakiibta.
Digniintan ayaa timid xilli Midowga Yurub uu xoojinayo tallaabooyinka lagu beegsanayo waxa loogu yeero “shadow fleet” ee Ruushka, oo ah maraakiib lagu tuhunsan yahay inay ka caawiyaan Moscow inay ka gudubto cunaqabateynta la saaray.
Putin ayaa tallaabooyinka Yurub ku tilmaamay kuwo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah ee badda, isagoo ku dooday in haddii maraakiibta Ruushka la qabto, Moscow ay xaq u leedahay inay qaaddo jawaab u dhiganta.
Hadallada madaxweynaha Ruushka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda u dhexeysa Moscow iyo dalalka reer Yurub ay u gudubto dhinacyo cusub, gaar ahaan dhinaca amniga iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga.
Khilaafka ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli xiriirka Ruushka iyo Midowga Yurub uu weli aad u xasaasi yahay, iyadoo dagaalka Ukraine, cunaqabateynta dhaqaale iyo arrimaha amniga ay yihiin qodobbada ugu waaweyn ee sii hurinaya xiisadda u dhexeysa labada dhinac.



