HomeWarkaHoggaanka Jaaliyadda Jareerweyne ee Mareykanka oo Kismaayo Gaaray

Hoggaanka Jaaliyadda Jareerweyne ee Mareykanka oo Kismaayo Gaaray

Hoggaanka Guud ee Jaaliyadda Jareerweyne ee dalka Mareykanka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Masuuliyiinta iyo waxgaradka ka tirsan bulshada Jareerweyne ee magaalada Kismaayo ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay wafdiga, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay booqashada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya bulshada Jareerweyne ee gudaha dalka iyo jaaliyadda ku nool dalka Mareykanka.

Booqashada hoggaanka Jaaliyadda ayaa la filayaa inay noqoto fursad lagu xoojinayo wada-shaqeynta, is-dhexgalka iyo xiriirka bulshada Jareerweyne, iyadoo sidoo kale diiradda la saarayo arrimaha bulshada iyo horumarinta danaha guud ee bulshada.

Wafdiga ayaa inta ay ku sugan yihiin Kismaayo kulamo la yeelan doona qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka deegaanka, si looga wada hadlo arrimaha khuseeya bulshada iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka jaaliyadda iyo dadka ku nool dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments