HomeWarkaPuntland oo Eedeyn Culus u Jeedisay Dowladda Federaalka iyo Galmudug

Puntland oo Eedeyn Culus u Jeedisay Dowladda Federaalka iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa si adag uga hadlay ciidamo horey uga tirsanaa ciidamadiisa oo markii dambe ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay u gudbeen dhinaca Galmudug.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay qeyb ka ahaayeen koox uu ku eedeeyay inay qorsheynayeen qalalaase ka dhaca magaalada Gaalkacyo, balse markii dambe u gudbay dhinaca Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamadan markii ay ka baxeen Puntland oo ay galeen dhanka Galmudug loo soo bandhigay inay yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ciidamadii doonayay inay qalalaase ridaan, qaar ka mid ah oo la yiri waa ciidamo federaal ah ayaa u goostay Galmudug,” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa maamulka Galmudug ugu baaqay inuu Puntland dib ugu soo celiyo ciidamadaasi, isagoo ku eedeeyay Galmudug inay hoy u noqotay dad uu ku tilmaamay dambiilayaal.

Dhanka kale, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu qeyb ka yahay qorshe uu sheegay in lagu abuurayo xiisad siyaasadeed iyo amni oo u dhexeysa Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dooneyso inay kala fogeyso labada maamul ee deriska ah, isagoo ka digay saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto xasilloonida iyo xiriirka labada dhinac.

Hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo, iyadoo la qorsheynayo in Madaxweynaha Federaalka uu booqdo Gaalkacyo.

Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed iyo amni oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyadoo dhinacyada ay isku hayaan arrimo la xiriira siyaasadda, amniga iyo maamulka dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments