Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dugsiga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo marti-sharaf kale.
Ciidamada tababarka soo qaatay ayaa munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus ciidan iyo gaada-ka-ciyaar, iyagoo muujiyay heerka tababar iyo diyaargarow ee ay gaareen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana ay ilaaliyaan midnimada, madaxbannaanida iyo amniga dalka.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kor loogu qaadayo awoodda iyo xirfadda ciidamada, loona diyaarinayo inay si wanaagsan uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo difaaca qaranka.
Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay iyadoo ciidamada cusub ay soo bandhigeen xirfado ciidan oo ay ku soo barteen muddadii tababarka, taas oo muujisay diyaar-garowgooda iyo awoodda ay u leeyihiin gudashada waajibaadkooda qaran.

























