HomeWarkaDowladda oo Wadatashi Ka Bilaawday Nidaaminta Maamulka Masaajidda Dalka

Dowladda oo Wadatashi Ka Bilaawday Nidaaminta Maamulka Masaajidda Dalka

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday wadatashi ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Nidaaminta Howlaha Masaajidda, kaas oo lagu doonayo in lagu dejiyo hannaan cad oo lagu maamulo goobaha cibaadada ee dalka.

Hindise-sharciyeedkan ayaa qeexaya waajibaadka iyo masuuliyadaha dadka iyo dhinacyada ku shaqada leh maamulka masaajidda, iyadoo sidoo kale looga gol leeyahay in la hagaajiyo habka loo maamulo iyo isku-duwidda howlaha masaajidda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Dr. Cabdinafac Axmed Cabdullaahi, ayaa Khamiistii furay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay hindise-sharciyeedka, kaas oo ay ka qeyb-galeen imaamyo, culimo, wacdiyeyaal iyo maamulayaasha masaajidda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobbada ku jira hindise-sharciyeedka, iyadoo ka qeybgalayaasha lagu dhiirrigeliyay inay soo gudbiyaan talooyinkooda, aragtiyahooda iyo khibradahooda, si loo dhammaystiro sharciga ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirrada.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ujeeddadu aysan ahayn in si keligeed ah go’aan looga gaaro maamulka masaajidda, balse muhiimad gaar ah la siinayo wada-tashi iyo ka-qaybgalka culimada, imaamyada, maamulayaasha masaajidda iyo dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso.

Sida ay Wasaaraddu sheegtay, hindise-sharciyeedku wuxuu sidoo kale qeexi doonaa habka loo maamulayo howlaha masaajidda, xiriirka iyo wada-shaqeynta dhinacyada ku lugta leh, iyo habraacyada lagu yareynayo khilaafaadka ka dhalan kara is-faham la’aanta la xiriirta maamulka iyo masuuliyadda masaajidda.

Imaamyadii, culimadii iyo maamulayaashii masaajidda ee ka qeybgalay kulanka ayaa soo dhaweeyay wadatashiga, iyagoo muujiyay inay diyaar u yihiin inay Wasaaradda la wadaagaan talooyin iyo khibrado wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara diyaarinta sharci ka jawaaba baahiyaha masaajidda dalka.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa caddeysay in hindise-sharciyeedku uu weli ku jiro marxaladda wadatashiga, iyadoo la ururinayo talooyinka iyo aragtiyada culimada iyo dadka ay sida tooska ah u khuseyso arrintan.

Marka la dhammaystiro wadatashiyada, waxaa la filayaa in hindise-sharciyeedka loo gudbiyo Golaha Wasiirrada, iyadoo haddii la meel-mariyo uu noqon karo tallaabo lagu mideynayo nidaamka maamulka masaajidda, laguna caddeynayo waajibaadka iyo masuuliyadaha dhinacyada kala duwan ee ku shaqada leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments