HomeWarkaMadaxweyne Xasan iyo Deni yaa ku hormaray Gaalkacyo?

Madaxweyne Xasan iyo Deni yaa ku hormaray Gaalkacyo?

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta Dowladda Puntland ee ku sugan gobolka Mudug, xilli magaalada ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo ayaa ahaa mid is-xogwareysi ah, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda guud ee gobolka Mudug, gaar ahaan amniga, xaaladda ciidamada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta ciidamada Puntland.

War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo saraakiisha ay si gaar ah uga wada hadleen xaaladda ciidamada ku sugan degmooyinka Saaxo, Gaalkacyo iyo Galdogob, iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka Mudug, gaar ahaan kuwa la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha adeegyada bulshada.

Xiisadda Gaalkacyo oo Sare u Kacday

Kulanka Madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Gaalkacyo ay maalmahan ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo amni, kaddib markii Puntland ay si adag uga hadashay qorshaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tegayo koonfurta Gaalkacyo oo ay maamusho Galmudug.

Puntland ayaa Madaxweynaha Federaalka ku eedeysay inuu wado qorshe ay ku tilmaantay abaabul colaad oo ka dhan ah deegaannadeeda, iyadoo walaac ka muujisay safarka Madaxweynaha iyo saameynta ay ku yeelan karto xaaladda magaalada Gaalkacyo.

“Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa abaabulada qorshaysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud wado, waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh uu ku imaanayo Koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda diidday walaaca iyo digniinta Puntland. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqan doono koonfurta Gaalkacyo, isagoo xusay in Madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu booqdo deegaannada Galmudug.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale dhawaan eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, isagoo ku dhaliilay mowqifyada siyaasadeed ee Puntland iyo xiriirrada ay la leedahay dhinacyada uu sheegay inay dowladda Federaalka khilaaf kala dhexeeyo.

Dhacdooyin Amni oo Hore uga Dhacay Gaalkacyo

Xiisadda hadda taagan ayaa daba socota dhacdooyin amni oo horraantii bishan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

4-tii Agoosto, Puntland ayaa sheegtay in koonfurta magaalada Gaalkacyo lagu dejiyay hub ay ku eedeysay Dowladda Federaalka inay u waday ciidamo ku sugan magaalada. Maalintii xigtay, ciidamada Puntland ayaa dagaal la galay ciidamo ka tirsan PSF, kaddibna waxay la wareegeen xero ay ciidamadaasi ku sugnaayeen waqooyiga Gaalkacyo.

Inkasta oo Madaxtooyada Puntland aysan kulankii xalay si toos ah ugu xiriirin khilaafka siyaasadeed iyo amni ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka, haddana kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka Mudug uu noqday meel si weyn looga dareemayo loollanka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe.

Xaaladda Gaalkacyo ayaa sidaas darteed weli ah mid xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka ay qaadaan dhinacyada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ku lugta leh xaaladda magaalada iyo gobolka Mudug.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments