Sareeye Guuto Janaraal Ismaaciil Saxardiid Kaydsane ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah furimaha hore, oo ay ka mid yihiin Jana Cabdalle, Soyaa, Biibi, Harboole iyo Miido, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada ku sugan jiidda hore.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Janaraalka ayaa xog iyo warbixinno ka dhegeystay saraakiisha iyo ciidamada, isagoo wax ka weydiiyay xaaladda guud ee ciidamada, hawlaha shaqo ee socda iyo baahiyaha ka jira goobahaasi.
Janaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa ciidamada ku boorriyey inay sii wadaan dadaalka, adkeysiga iyo isku-duubnida, isla markaana ay si buuxda u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Sidoo kale, Janaraalka ayaa qiimeyn ku sameeyay xaaladda guud ee furimaha iyo baahiyaha ciidamada, isagoo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta, isku-xirka ciidamada iyo sare u qaadista diyaar-garowga.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hoggaanka ciidamada iyo cutubyada ku sugan furimaha hore, gaar ahaan ciidamada haya waajibaadka muhiimka ah ee goobahaasi.








