Dhaqan-gelinta qodobbadii heshiiskii dhawaan dhexmaray Cabdirashiid Janan, iyo maamulka Jubaland ayaa u muuqata in tallaabo hore loo qaaday, kaddib markii saaka magaalada Beledxaawo ay ka amba-baxeen Cabdirashiid Janan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gedo, Nasteex.
Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, labada mas’uul ayaa la filayaa inay u safraan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo lagu wado in lagu sii ambaqaado oo lagu dhameystiro fulinta heshiiskii dhawaan dhexmaray Janan iyo maamulka Jubaland.
Wararka ayaa sheegaya in safarka labada masuul uu yahay qeyb ka mid ah tallaabooyinka lagu dhaqan-gelinayo is-afgaradkii la gaaray, kaas oo looga gol leeyahay in la soo afjaro khilaafkii iyo kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed iyo amni ee muddo ka jiray gobolka Gedo.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in xubno ka tirsan hoggaanka Jubaland ay haatan ku sugan yihiin magaalada Nairobi, taasoo sare u qaadaysa suuragalnimada in halkaasi lagu qabto kulamo muhiim ah oo la xiriira dhameystirka qodobada heshiiska.
Cabdirashiid Janan ayaa muddooyinkii u dambeeyay kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga dhex muuqday khilaafka ka jiray Gedo, gaar ahaan xiriirka kala dhexeeyay maamulka Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Haddii heshiiska la gaaray si buuxda loo dhaqan-geliyo, waxaa laga filan karaa inuu saameyn ku yeesho xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo, isla markaana uu horseedo is-dhexgal iyo wada-shaqeyn cusub oo u dhexeeya dhinacyadii horey u kala aragti duwanaa.
Safarka maanta ee Beledxaawo ka bilowday ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo muujinaysa in qodobbadii heshiiska la gaaray ay bilaabeen inay u gudbaan marxaladda fulinta, iyadoo indhaha lagu hayo waxa kasoo baxa kulamada lagu wado inay ka dhacaan magaalada Nairobi.



