HomeWarkaSAWIRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Gaalkacyo

SAWIRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta Prof. Cadow ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isagoo sidoo kale soo indha-indheeyay fasallada, goobaha tababarka, xafiisyada maamulka, guryaha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee xarunta.

Dugsiga ayaa lagu barto xirfado farsamo oo ay ka mid yihiin korontada, dhismaha guryaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka, kuwaas oo fursado shaqo iyo is-maareyn u abuuri kara dhallinyarada.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug sida ay mudnaanta u siinayaan mashaariicda waxtarka u leh bulshada, gaar ahaan kuwa lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalgelinta xarumaha waxbarashada farsamada gacanta ay door muhiim ah ka qaadan karto yareynta shaqo la’aanta, maadaama ay dhallinyarada siinayaan aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan, isla markaana ay ku abuuri karaan fursado shaqo oo cusub.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah booqashadiisa magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaasi u jooga kulamo iyo howlo la xiriira xaaladda bulshada, horumarka iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo maamulka Galmudug.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments