Madaxweynaha Zambia, Hakainde Hichilema , ayaa mar kale loo doortay xilka madaxweynaha dalka, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee 13-kii Agoosto 2026.
Natiijada rasmiga ah ee Guddiga Doorashooyinka Zambia ayaa muujineysa in Hichilema uu helay 61.4% codadkii la dhiibtay, halka musharraxa ugu weyn ee la tartamayey, Brian Mundubile, uu helay ku dhowaad 38%.
Guushan ayaa Hichilema siinaysa muddo labaad oo shan sano ah, kaddib markii uu markii ugu horreysay xilka ku guuleystay doorashadii 2021.
Si kastaba, doorashada ayaa waxaa hareeyay xiisado siyaasadeed iyo dhacdooyin amni, iyadoo tirinta codadka si ku-meel-gaar ah loo hakiyay kaddib weerarro lagu qaaday shaqaalaha doorashada iyo dhacdooyin la xiriiray waraaqaha codbixinta. Sidoo kale, dhowr xubnood oo mucaaradka ah ayaa la xiray.
Brian Mundubile iyo xisbigiisa ayaa su’aal geliyay hannaanka doorashada, iyagoo ku eedeeyay in ay jireen faragelin iyo khaladaad, inkastoo aysan weli soo bandhigin caddeymo wax ka beddeli kara natiijada rasmiga ah.
Madaxweyne Hichilema ayaa dhankiisa ugu baaqay shacabka inay ilaashadaan nabadda, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu si loo dhan yahay u hoggaamiyo dalka muddada labaad.
Dib-u-doorashada Hichilema ayaa ku soo beegmaysa xilli Zambia ay wajahday caqabado dhaqaale iyo cadaadis la xiriira qiimaha maciishadda, inkastoo dowladdiisu ay horumar ka sheegtay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dib-u-qaabaynta deynta dalka.



