Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saakay waxaa la wareegay maleeshiyo ka tirsan dadka deegaanka, kuwaas oo sheegay inay dhiseen maamul cusub oo ay ugu magac dareen “Koonfur Bari Soomaaliya.”
Maleeshiyada ayaa gudaha magaalada ka sameeyay dhaqdhaqaaqyo ay ku muujinayaan maamulka cusub ee ay ku dhawaaqeen, waxaana ay dajiyeen calanka Soomaaliya iyo calanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyaga oo ku beddelay calan ay sheegeen inuu yahay astaanta maamulka cusub ee “Koonfur Bari”.
Xubno ka tirsan maleeshiyada ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ay doonayaan inay ku dhisaan maamul cusub oo ka hanaqaada deegaannada Koonfurta Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn cidda hoggaamineysa maamulka iyo qaabka uu u shaqeyn doono.
Dhanka kale, xaaladda magaalada Marka ayaa saakay ahayd mid si weyn isha loogu hayo, iyadoo aan weli si rasmi ah looga hadlin tallaabada ay qaadeen maleeshiyadan iyo sida ay uga falcelinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli magaalada Marka iyo guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka jiraan xaalado amni iyo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dhaqdhaqaaq kasta oo cusub uu saameyn ku yeelan karo xaaladda gobolka.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga sugayaa dhinacyada ay khuseyso



