HomeWarkaPUNTLAND: Duqayn lagu dilay ilaa 7 ruux oo ka dhacday xeebta Jiifle

PUNTLAND: Duqayn lagu dilay ilaa 7 ruux oo ka dhacday xeebta Jiifle

Duqayn ayaa goordhow lala beegsaday saxiimad ay saarnaayeen tobaneeyo qof, taas oo ku sugneyd xeebta Jiifle ee degmada Godobjiiraan, Gobolka Nugaal, waxaana la soo wariyey in duqaynta ay ku dhinteen ugu yaraan 7 ruux, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ilaa hadda ma cadda dalka ama cidda fulisay duqaynta, hase yeeshee wararka deegaanka ayaa sheegaya in maalmo ka hor aagga xeebta lagu arkay markabka Soomaalida ah ee MV Lutuf, kaas oo la sheegay in burcad-badeeddu afduubteen, isla markaana sita calanka dalka Kamaruun. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in markabka uu u raran yahay Turkiga.

Duqayntan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee toddobaadkan ka dhacda xeebaha Gobolka Nugaal, iyadoo weerarradii hore ay sidoo kale sababeen khasaare nafeed. Puntland ayaa horey u cambaaraysay duqaymaha ka dhacay xeebaha gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay la socoto duqayn kasta oo ka dhacda gudaha dalka, hase yeeshee weli ma aysan bixin

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments