Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Furitaanka madasha ayaa waxaa ka qayb galay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, wakiillo ka socday Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Afrika iyo Shiinaha, iyo ganacsato iyo maalgashadeyaal ka kala socday labada dal.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha iyo maalgashadeyaasha Shiinaha inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, waxsoosaarka, kalluumaysiga, beeraha, tamarta, gaadiidka iyo saadka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga ganacsi ee labada dal uu horseedo shaqo-abuur, koboc dhaqaale iyo kor u qaadista waxsoosaarka gudaha.
Madashan ayaa qayb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu ballaarinayo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo dalalka caalamka, iyadoo la doonayo in la abuuro xiriir toos ah oo dhex mara ganacsatada Soomaaliyeed iyo suuqyada caalamka, isla markaana la kordhiyo badeecadaha Soomaaliyeed ee loo dhoofiyo suuqyada dibadda.
Sidoo kale, madashan ayaa muhiimad gaar ah siinaysa sidii ganacsatada Soomaaliya iyo Shiinaha ay u yeelan lahaayeen xiriir toos ah, ugana wada hadli lahaayeen caqabadaha hortaagan maalgashiga iyo fursadaha cusub ee ganacsi ee labada dhinac.
Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka muhiimka u ah dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo labada dal ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi soo jireen ah. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si weyn ula macaamila suuqyada Shiinaha, halka badeecooyin badan oo gudaha Soomaaliya laga isticmaalo ay kasoo galaan dalkaas.











