HomeWarkaDegDeg: Guddiga Doorashooyinka oo Soo Saaray War-Saxaafadeed ku Saabsan Go’aanka Maxkamadda Sare...

DegDeg: Guddiga Doorashooyinka oo Soo Saaray War-Saxaafadeed ku Saabsan Go’aanka Maxkamadda Sare ee Galmudug

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray go’aankii ay dhawaan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku laashay natiijadii doorashooyinkii isku-sidkanaa ee ka dhacay Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay inuu, isaga oo fulinaya awoodihiisa dastuuriga ah, kuna dhaqmaya Sharciga Doorashooyinka Qaranka, Sharciga Dhisidda Guddiga iyo Sharciga Ururrada iyo Xisbiyada, iyo sidoo kale habraacyada, xeer-nidaamiyeyaasha iyo tilmaamaha sharciga, u taagan yahay hirgelinta doorashooyin xor ah, xalaal ah oo hufan, kuwaas oo muwaadiniintu si siman uga wada qayb qaataan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Guddigu uu helay nuqulka go’aanka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay SUM: MSF/DD/1/2026 iyo SUM: MSF/DD/BX/1/2026, kuna taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, kaas oo ku saabsanaa natiijadii doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug, kuwaas oo qabsoomay 30-kii Luulyo 2026.

Guddiga ayaa sheegay inuu, isaga oo tixgelinaya kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo sharci ah, uu aqbalay go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare.

Sidoo kale, Guddigu wuxuu xusay Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo tilmaamaya awoodda Maxkamadda Sare ee ka garnaqidda iyo go’aan ka gaarista dacwadaha la xiriira doorashooyinka.

Ugu dambayn, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay inuu soo muddeyn doono xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Screenshot
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments