Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay degmooyinka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee lagu wado inay ka qabsoomaan doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada.
Sida ku cad xogta uu guddigu soo bandhigay, doorashooyinka ayaa ka dhici doona 12 degmo, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Gobolka Hiiraan, doorashooyinka ayaa lagu qaban doonaa degmooyinka Beledweyne, Jalalaqsi, Buuloburde, Matabaan, Jawiil iyo Farlibaax.
Halka gobolka Shabeellaha Dhexe ay doorashooyinku ka dhici doonaan degmooyinka Jowhar, Balcad, Warsheekh, Cadale, Mahadaay iyo Raageceelle.
Shaacintan ayaa qayb ka ah diyaar-garowga lagu hirgelinayo doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo degmooyinkan loo asteeyay goobaha lagu qabanayo doorashooyinka.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa horey u waday dadaallo la xiriira hirgelinta nidaamka doorashooyinka iyo qabsoomidda doorashooyin ay shacabka ka qaybqaataan, iyadoo shaacinta degmooyinkan ay tahay tallaabo kale oo ka mid ah geeddi-socodka doorashooyinka Hirshabeelle.




