HomeWarkaSoomaaliya iyo Tanzania oo Xoojinaya Iskaashiga Maamulka

Soomaaliya iyo Tanzania oo Xoojinaya Iskaashiga Maamulka

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa magaalada Dodoma ee dalka Tanzania kulan kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Tanzania u qaabilsan Maamulka Adeegga Dadweynaha iyo Maamul-wanaagga, Mudane Ridhiwani Kikwete.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira dib-u-habaynta iyo casriyeynta adeegga dadweynaha. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay maamulka iyo maareynta shaqaalaha dowladda, hufnaanta, maaraynta waxqabadka, isla-xisaabtanka iyo horumarinta hoggaaminta hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, oo ka mid ahaa wafdiga Soomaaliya, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha Joogtada ah ee hay’adda Dowladda Tanzania u qaabilsan adeegga shaqaalaha rayidka.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray casriyeynta maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha ee labada dal.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale booqday Mtumba Government City, oo ah xarunta cusub ee ay ku mideysan yihiin hay’adaha Dowladda Tanzania ee magaalada Dodoma.

Intii ay booqashada ku jireen, wafdigu waxay indha-indheeyeen qaabka loo qorsheeyey isku-ururinta hay’adaha dowladda, kaabeyaasha iyo adeegyada ay wadaagaan, isku-xirka dijitaalka ah iyo hababka lagu xoojinayo hufnaanta maamulka iyo isku-duwidda hawlaha dowladda.

Booqashadan shaqo ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu casriyeynayo hay’adaha dowladda, lagu xirfadeynayo adeegga dadweynaha, laguna xoojinayo maamulka, waxqabadka iyo isla-xisaabtanka, iyadoo laga faa’iideysanayo khibradaha iyo waayo-aragnimada Dowladda Tanzania iyo dalalka kale ee gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments