HomeWarkaSawiro: Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo Tababar loosoo xiray.

Sawiro: Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo Tababar loosoo xiray.

Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Cabdi Lafeey, ayaa maanta tababar ciidan u soo xiray ciidamo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo bilihii la soo dhaafay degmada Doolow ku qaadanayay tababar heer Kumaandoos ah.

Guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray ciidamada dhameystay tababarka, isagoo kula dardaarmay inay aqoonta, xirfadaha iyo casharradii ay muddada tababarka ku barteen uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamadaasi door muuqda ka qaataan sugidda amniga, xoreynta deegaannada ay kooxaha cadowgu ku sugan yihiin iyo ilaalinta dowladnimada Jubbaland.

Guddoomiye Lafeey ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa, sharafta iyo sumcadda Ciidanka, isla markaana ay dhowraan midnimada iyo qarannimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si daacadnimo, waddaniyad iyo masuuliyad leh.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha degmada Doolow ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaanka ciidamada, gaar ahaan Taliyaha Amniga Doolow, Maxamed Xasan Buulle, isagoo ku ammaanay hoggaankiisa, isku-duubnida iyo dadaalka uu ku bixiyay gudashada waajibaadka hay’adaha amniga iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo awoodda ciidamada Daraawiishta Jubbaland, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo difaaca deegaannada Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments