Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana tirsan booqasho shaqo oo ay ku joogaan Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Tanzania u qaabilsan Shaqada, Shaqo-abuurka iyo Xiriirka Shaqaalaha, Mudane Deus Sangu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada maamulka shaqada, horumarinta awoodda hay’adaha dowladda, shaqo-abuurka iyo tayeynta adeegyada dadweynaha.
Intii ay booqashada ku sugnaayeen Tanzania, wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday Wasaaradda Shaqada, Shaqo-abuurka iyo Xiriirka Shaqaalaha, Xafiiska Xoghaynta Golaha Wasiirrada, iyo Hay’adda Dowladda Tanzania u qaabilsan Dowladda Dijitaalka ah ee e-Government Authority (e-GA).
Kulamada iyo booqashooyinkaasi ayaa xoogga lagu saaray is-weydaarsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada la xiriirta horumarinta maamulka shaqada, casriyeynta habraacyada iyo nidaamyada dowladda, xoojinta hay’adaha dadweynaha, tayeynta adeegyada iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ah.
Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, oo qayb ka ahaa wafdiga Soomaaliya, ayaa sidoo kale si firfircoon uga qayb qaatay kulamada iyo is-weydaarsiga khibradaha, gaar ahaan arrimaha la xiriira maamulka iyo horumarinta shaqaalaha rayidka, shaqo-abuurka, tayeynta adeegyada dadweynaha iyo casriyeynta nidaamyada maamulka dowladda.
Booqashadan shaqo ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, kor loogu qaadayo tayada iyo awoodda hay’adaha dowladda, isla markaana looga faa’iidaysanayo khibradaha iyo hababka wanaagsan ee lagu horumarin karo adeegyada dadweynaha iyo maamulka casriga ah.



