Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la leh Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku dhawaaqay inay soo furteen markabka MV LATUF, kaas oo burcad-badeeddu afduubteen 17-kii Agoosto 2026.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, markabka ayaa laga afduubtay agagaarka Jasiiradda Jifle, ee degmada Eyl, gobolka Nugaal.
Howlgalka lagu soo furtay markabka ayaa socday muddo 10 maalmood ah, waxaana lagu burburiyey afar doon oo ay adeegsanayeen burcad-badeeddu, halka 14 ka mid ah burcad-badeedda la qabtay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen markabka MV LATUF, kaas oo hadda si nabad ah u sii wada socdaalkiisii.
Howlgalkan ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo xoojinaya wada-shaqeynta labada dal ee ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sugidda amniga badaha iyo la-dagaallanka burcad-badeedda.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bogaadisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badda Turkiga, iyadoo ku tilmaantay howlgalka mid muujinaya iskaashiga iyo awoodda labada dhinac ee ka hortagga burcad-badeedda iyo ilaalinta maraakiibta isticmaasha xeebaha Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ku adkaysay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta amniga badaha, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo ilaalinta nabadgelyada maraakiibta mara biyaha Soomaaliya



