HomeWarkaMasโ€™uuliyiin Dowladda ah oo La Kulmay Beeraleyda Shabeellaha Hoose

Masโ€™uuliyiin Dowladda ah oo La Kulmay Beeraleyda Shabeellaha Hoose

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda beeraleyda iyo caqabadaha ay wajahaan, iyadoo beeraleydu ay masโ€™uuliyiinta la wadaageen cabashooyin la xiriira dhibaatooyinka ay sheegeen in Khawaarijta Al-Shabaab ay ku hayaan deegaannadooda.

Beeraleyda ayaa sidoo kale soo bandhigay waxyeellooyin ay sheegeen inay kasoo gaareen qaar ka mid ah howlgalladii amni ee ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka, iyagoo ka hadlay saameynta ay arrimahaasi ku yeesheen dadka rayidka ah iyo wax-soo-saarka beeraha.

Masโ€™uuliyiinta dowladda ayaa si gaar ah u dhageystay cabashooyinka beeraleyda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta shacabka, hantidooda iyo wax-soo-saarka beeraha inta ay socdaan howlgallada amniga.

Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in cabashooyinka beeraleyda la diiwaangelin doono, lana gaarsiin doono hayโ€™adaha ay khuseyso, si loo baaro dhacdooyinka la soo sheegay, loogana qaado tallaabooyinka ku habboon.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Shabeellaha Hoose uu yahay mid ka mid ah deegaannada muhiimka u ah wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya, iyadoo amniga iyo ilaalinta beeraleyda ay muhiim u yihiin sii socoshada wax-soo-saarka iyo sugnaanta cunnada dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments