HomeWarkaWasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho kula kulmay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada

Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho kula kulmay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Amniga ee Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, xilli Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyadu ay magaalada u joogaan ka qaybgalka Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha, oo 1-da iyo 2-da Sebteembar 2026 ka socda Muqdisho.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayo xoojinta amniga gudaha dalka, isku-xirka hay’adaha amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada.

Kulanka Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga, isku-duwidda dadaallada iyo sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha wax looga qabanayo caqabadaha amni ee dalka ka jira.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa muhiimad gaar ah siinaysa xoojinta xiriirka iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo dhiso hannaan amni oo mideysan, isku-duwan isla markaana wax-ku-ool ah.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha amniga iyo sidii loo heli lahaa qorsheyaal wadajir ah oo lagu wajahayo xaaladda amni ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments