Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Amniga ee Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari.
Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, xilli Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyadu ay magaalada u joogaan ka qaybgalka Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha, oo 1-da iyo 2-da Sebteembar 2026 ka socda Muqdisho.
Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayo xoojinta amniga gudaha dalka, isku-xirka hay’adaha amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada.
Kulanka Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga, isku-duwidda dadaallada iyo sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha wax looga qabanayo caqabadaha amni ee dalka ka jira.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa muhiimad gaar ah siinaysa xoojinta xiriirka iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo dhiso hannaan amni oo mideysan, isku-duwan isla markaana wax-ku-ool ah.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha amniga iyo sidii loo heli lahaa qorsheyaal wadajir ah oo lagu wajahayo xaaladda amni ee Soomaaliya.



