HomeWarkaMaamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay dhismaha waddada Suuqa Bakaaraha.

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay dhismaha waddada Suuqa Bakaaraha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in la bilaabay dhismaha iyo dib-u-dayactirka waddada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taas oo muhiim u ah isku socodka dadka, gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

Waddadan ayaa horay saameyn ugu yeeshay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo hakad geliyay howlaha dhismaha iyo hagaajinta waddada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in haatan dib loo bilaabay howlaha dhismaha, iyadoo ujeeddadu tahay in wax laga qabto xaaladda waddada iyo caqabadaha ka dhashay burburkeeda.

Sidoo kale, maamulka ayaa tilmaamay in waddada dib loogu soo celin doono muuqaalkeedii hore, iyadoo lagu sameynayo dib-u-dayactir iyo horumarin, maadaama ay ka mid tahay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa isku xira goobaha ganacsiga iyo xaafadaha kala duwan.

Dhismaha waddada Suuqa Bakaaraha ayaa la filayaa inuu wax ka tari doono ciriiriga iyo dhibaatooyinka gaadiid ee ka dhasha xaaladda waddada, isla markaana fududeeyo isu socodka ganacsatada, shacabka iyo gaadiidka ka shaqeeya Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments