Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dhacdadii qaraxyada ahayd ee ka dhacday guri ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda.
Dowladda Federaalka ayaa caddeysay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdada, iyadoo sheegtay in xogaha horudhaca ah ee ay heleen hay’adaha amniga ay muujinayaan in qaraxyadu ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay inay si degdeg ah u magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah, kaas oo baaritaan dhammaystiran ku sameyn doona dhacdada, ujeeddadii laga lahaa iyo cidda ka dambeysay.
Qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay in degmada Doolow ay tahay deegaan muhiim u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo, sidaas darteedna ay Dowladda Federaalka mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta xasilloonida degmada iyo badqabka shacabka ku nool.
Dowladda ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed uga digtay in lagu kadsoomo warar aan la xaqiijin oo laga faafinayo dhacdada ka hor inta aan la soo gabagabeyn baaritaanka.
Waxay sheegtay in wararka hordhaca ah ee aan la hubin ay keeni karaan jahawareer, iyadoo xustay in natiijada baaritaanka rasmiga ah lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed marka uu soo dhammaado.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Doolow ay ka mid tahay degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo, gaar ahaan dhinacyada amniga, isu-socodka iyo ganacsiga ee ka jira deegaanka.




