HomeWarkaMaamulka iyo shacabka Kismaayo oo bannaanbax ka dhigay duqeyntii Doolow

Maamulka iyo shacabka Kismaayo oo bannaanbax ka dhigay duqeyntii Doolow

KISMAAYO: Maamulka iyo shacabka magaalada Kismaayo ayaa maanta sameeyay bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo duqeyntii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dibadbaxayaasha ayaa si adag u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan duqeynta ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah, iyagoo sheegay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo khatar gelin karta nabadda, amniga iyo badqabka shacabka ku nool gobolka Gedo.

Intii uu socday bannaanbaxa, shacabka ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan dhacdada Doolow, iyagoo ku baaqay in si dhab ah loo baaro duqeynta iyo cidda ka dambeysa, isla markaana la ilaaliyo badqabka dadka rayidka ah.

Maamulka Kismaayo ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa bannaanbaxa, iyadoo munaasabadda lagu muujiyay mowqifka maamulka iyo shacabka ee ku aaddan dhacdada ka dhacday degmada Doolow.

Bannaanbaxan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan tahay hadal-heynta ku saabsan duqeyntii ka dhacday Doolow, taas oo dhalisay walaac iyo falcelin dhinacyo kala duwan ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments