Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Istaraatiijiyadda Nafaqada ee Soomaaliya ee Dhinacyada Badan ee 2026, taas oo ah hannaan qaran oo lagu xoojinayo ka hortagga iyo wax-ka-qabashada nafaqo-darrada, laguna mideynayo dadaallada dowladda iyo bah-wadaagta.
Munaasabadda waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Barnaamijka Scaling Up Nutrition (SUN), waxaana si rasmi ah u furay Agaasimaha Cunnada, Nafaqada iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Attiene.
Daahfurka waxaa kasoo qayb galay wasaarado iyo hay’ado heer federaal iyo dowlad-goboleed, oo ay ku jiraan kuwa caafimaadka, beeraha, xannaanada xoolaha, kalluumeysiga, qorsheynta, deegaanka iyo cimilada, waxaa kale oo wehliyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka, iyada oo ka-qaybgalka hay’adahan uu muujinayaa muhiimadda ay nafaqadu u leedahay ajendaha qaranka.
Waxaa sidoo kale ka qayb galay hay’addaha caalamiga ah ee bah-wadaagta la ah dowladda Soomaaliya sida WFP, FAO, WHO, UNICEF, hay’adaha bulshada rayidka ah iyo samafalka sida Concern Worldwide, YouthLink, GREDO, SOS Children’s Villages, ACF iyo IRC, jaamacado ay ka mid yihiin Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda Jamhuuriyadda iyo Jaamacadda Muqdisho.
Istaraatiijiyaddu waxay dejinaysaa jihada wadajirka ah ee wax looga qabanayo sababaha keena nafaqo-darrada, iyadoo la isku xirayo caafimaadka, cuntada iyo beeraha.
Waxaa kale oo xoogga la saarayaa ilaalinta bulshada, cimilada, biyaha iyo fayadhowrka guud.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa Madasha ka sheegay in ay ku boorrinaysaa dhammaan daneeyayaasha inay si wadajir ah u taageeraan hirgelinteeda si loo gaaro horumar la taaban karo oo waara oo ku saabsan nafaqada iyo fayo-qabka dadka Soomaaliyeed.
: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Istaraatiijiyadda Nafaqada ee Soomaaliya ee Dhinacyada Badan 2026, oo ah hannaan qaran oo lagu xoojinayo ka hortagga iyo wax-ka-qabashada nafaqo-










