Waxaa maanta geeriyooday Hafidh Ameir Hassan, oo ahaa ninka Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, kadib markii uu muddo ku jiray xaalad caafimaad oo lagu daweynayay isbitaal ku yaalla Zanzibar.
Geerida Hafidh Ameir ayaa waxaa maanta ku dhawaaqay Madaxweyne-ku-xigeenka Tanzania, Deogratius Ndejembi, isagoo sheegay in uu geeriyooday xilli uu isbitaalka ku qaadanayay daaweyn la xiriirta xanuun dhanka wadnaha ah.
Wararka ayaa sheegaya in Hafidh Ameir uu ku geeriyooday qiyaastii 8:00 subaxnimo, Isbitaalka Emilio Mzena Memorial Hospital ee Zanzibar, halkaas oo uu ku jiray daaweyn. Qabanqaabada aaska ayaa ka socota deegaanka Kizimkazi ee Zanzibar, halkaas oo lagu qorsheynayo in lagu aaso.
Hafidh Ameir Hassan wuxuu ahaa aqoonyahan iyo khabiir dhanka beeraha ah oo inta badan ka fogaa saxaafadda iyo siyaasadda, inkastoo uu markii ay xaaskiisu noqotay Madaxweynaha Tanzania 2021 noqday First Gentleman-kii ugu horreeyay ee taariikhda dalkaas.
Hafidh Ameir iyo Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa is guursaday sanadkii 1978, waxaana ay lahaayeen afar carruur ah, oo saddex wiil iyo hal gabadh ah. Gabadhooda ayaa iyaduna ku jirta siyaasadda Zanzibar.
Geerida Hafidh Ameir ayaa murugo ka abuurtay Tanzania, iyadoo madaxda gobolka ay tacsi u direen Madaxweyne Samia iyo qoyskeeda. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay inuu si aad ah uga murugooday geerida, isagoo tacsi u diray Madaxweynaha Tanzania iyo qoyskeeda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa tacsi u diray Madaxweyne Samia, qoyskeeda iyo shacabka Tanzania, isagoo Alle uga baryay marxuumka inuu u naxariisto.



