HomeWarkaLaftagareen oo dibad joog ah ayaa soo saaray amar lagu mamnuucaayo duulimaadyada...

Laftagareen oo dibad joog ah ayaa soo saaray amar lagu mamnuucaayo duulimaadyada Baydhabo.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee garabka Laftagareen oo maamul dibad joog ah ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeyneyso in dhammaan shirkadaha diyaaradaha, hawl-wadeennada duulimaadyada iyo dhinacyada kale ee khuseeya ay waajib ku tahay inay si buuxda uga shaqeeyaan dhammaan hawlaha duulimaadyada garoonka iyo gudaha hawada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 7-da Sebtembar 2026, xilli ay sii jireen digniino dhinaca amniga ah, ay soo baxday xaalad ay ku khasbanaadeen dhammaan garoomada diyaaradaha iyo gegida duulimaadyada ee ku yaalla deegaannada Koonfur Galbeed inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo badbaadada iyo amniga dadka rayidka ah, loona ilaalinayo habsami-u-socodka hawlaha duulista.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dulimaadyada Laga Reebay ay yihiin kuwa ay fuliyaan Duulista Rayidka, Qaramada Midoobay (UN) iyo AMISOM, kuwaas oo loo oggol yahay hawlo bani’aadannimo, caawimaad iyo hawlgallo amni oo ay la xiriiraan xaaladda taagan.

Wasaaradda ayaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo hawl-wadeennada duulimaadyada ugu baaqday inay amarada iyo awaamiirta amniga u hoggaansamaan, isla markaana ay hakiyan duulimaadyada jadwalaysan haddii ay jiraan amarro amni oo ka soo baxa hay’adaha ay khuseyso.

Waxay sidoo kale sheegtay in qof kasta ama hay’ad kasta oo ka xadgudubta amarrada ay wajihi doonto tallaabooyin sharciyeed iyo maamul, iyadoo la raacayo xeerarka iyo shuruucda khuseeya.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ugu dambeyn shirkadaha iyo dhinacyada ay khuseyso ugu baaqday inay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo ammaanka garoomada diyaaradaha, badbaadada rakaabka iyo habsami-u-socodka hawlaha duulista.

War-saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Baydhaba iyo guud ahaan Koonfur Galbeed ka jiraan xaalado amni iyo siyaasadeed oo sii kordhaya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments