Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo qeyb ka ah Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, isku-duwidda iyo mideynta Wasaaradaha Warfaafinta ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo laga wada hadlay arrimo muhiim u ah horumarinta warbaahinta iyo xiriirka dowladda iyo bulshada.
Ajandayaasha shirka waxaa ka mid ahaa Istiraatiijiyadda Dhaqanka, Siyaasadda iyo Habraaca Dalxiiska, qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyaha diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta warbaahinta, Siyaasadda Wakaaladda Filimada, mideynta farriimaha dowladda iyo xoojinta iskaashiga warfaafinta Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Sidoo kale, wasiirradu waxay ka wada hadleen habraaca wada-shaqeynta tababarada iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad-goboleedyada, si kor loogu qaado tayada iyo hufnaanta shaqada warbaahinta.
Wasiir Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha hannaan joogto ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, gaar ahaan casriyeynta warbaahinta, horumarinta warfaafinta dowladda, dhaqanka iyo dalxiiska.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadaagga xogta, kobcinta xirfadaha iyo la jaanqaadidda isbeddellada casriga ah ee warbaahinta, si loo helo warbaahin awood u leh inay ka jawaabto baahiyaha bulshada iyo horumarka dalka.
Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhankooda shirka ku soo bandhigay aragtiyahooda, caqabadaha ka jira heer deegaan iyo talooyin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026, oo looga gol leeyahay xoojinta wada-tashiga, iskaashiga iyo dejinta jihada mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed.



