HomeWarkaMaxay ka wada hadleen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Musharax liibaan?

Maxay ka wada hadleen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Musharax liibaan?

Musharraxa hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Mudane Maxamed Nuur Gacal, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee Galmudug iyo arrimaha la xiriira geeddi-socodka siyaasadeed ee maamulka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray doorashada ku-celiska ah, xoojinta wada-tashiga, iskaashiga iyo midnimada bulshada, iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka doorashooyinka Galmudug.

Musharrax Liibaan Axmed Xasan ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka uga mahadceliyey waqtiga uu u sameeyey iyo kulanka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in madaxda siyaasadda iyo bulshada Galmudug ay yeeshaan wada-tashi joogto ah.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Galmudug ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed, kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhexgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Wararkaasi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo badan la dhigay agagaarka Guddoomiyaha Baarlamaanka, kaddib markii lagu eedeeyay inuu damacsanaa inuu tallaabo ka qaado xukuumadda Galmudug. Eedeymahaas iyo wararka ku saabsan khilaafka labada mas’uul ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin, waxaana weli jira warar kala duwan oo laga sheegayo sababta xiisadda.

Kulanka dhexmaray Musharrax Liibaan Axmed Xasan iyo Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal ayaa, sida muuqata, kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo siyaasadda Galmudug ah, iyadoo indhaha lagu hayo jihada uu qaadan doono geeddi-socodka doorashada iyo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha maamulka Galmudug.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments