Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga horyimid qoraal ay sheegeen in Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka uu u diray Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, kaas oo ku saabsan habraaca lagu nidaaminayo shaqada iyo mihnadda qareennimada.
Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa sheegay in tallaabadaasi ay u baahan tahay in lagu saleeyo shuruucda dalka iyo awoodaha hay’adaha ay khuseyso, iyagoo xusay in mihnadda qareennimada ay leedahay nidaam iyo qaab-dhismeed sharci oo gaar ah.
Qoraalka Ururka ayaa lagu sheegay in aysan habboonayn in la soo saaro amar ama go’aan lagu nidaaminayo mihnadda qareennimada iyadoo aan la raacin habraacyada sharciga ah iyo wada-tashiga hay’adaha ay arrintu khuseyso.
Ururka ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ugu baaqay inuu dib uga laabto awaamiirta iyo tallaabooyinka ay ka hor yimaadeen, isla markaana la dhowro wada-shaqeynta iyo xiriirka ka dhexeeya Garsoorka iyo Qareennada Soomaaliyeed.
Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in loo baahan yahay wada-shaqeyn iyo wada-tashi dhex mara Garsoorka, Wasaaradda Cadaaladda, Ururka Qareennada iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso, si loo helo nidaam waafaqsan sharciga oo lagu horumarinayo mihnadda qareennimada.
Dhanka kale, Ururku wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay wada-hadal iyo iskaashi ku saabsan sidii loo horumarin lahaa mihnadda qareennimada, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida hay’adaha iyo doorka qareennada ee nidaamka caddaaladda.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dood ka taagan tahay habka loo nidaaminayo mihnadda qareennimada iyo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha garsoorka iyo qareennada, iyadoo Ururka Qareennada Soomaaliyeed uu ku adkeysanayo in arrimaha noocan ah lagu xalliyo wada-tashi iyo hannaan sharciyeed cad.






