Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNTMIS).
Wafdiga UNTMIS waxaa hoggaaminayay Madaxa Ku-simaha Hawlgalka, Raisedon Zenenga, waxaana kulanka ku wehliyay Madaxa Kooxda Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta, Vikram Parekh.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka kala-guurka UNTMIS, iyo sidii loo sii wadi lahaa isku-duwidda iyo wada-shaqeynta dhow ee u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Wasiiru-dawlaha ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in hannaanka kala-guurka uu noqdo mid Soomaaliya hoggaaminayso, Soomaaliduna ay leedahay, iyadoo taageerada caalamiga ah ay sii ahaato mid waafaqsan mudnaanta, baahiyaha iyo waajibaadka qaranka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, si loo taageero xasilloonida dalka iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad isbeddel ah oo la xiriirta mas’uuliyadaha Qaramada Midoobay iyo u gudbidda hannaan ay hay’adaha Soomaaliyeed si weyn ugu hoggaaminayaan arrimaha gudaha, iyadoo taageerada caalamiga ah lagu saleynayo mudnaanta qaranka.



