HomeWarka𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔𝗠𝗔𝗗𝗔 𝗕𝗢𝗢𝗟𝗜𝗦𝗞𝗔 𝗕𝗜𝗥𝗠𝗔𝗗𝗞𝗔 𝗞𝗚 𝗢𝗢 𝗛𝗢𝗪𝗟𝗚𝗔𝗟 𝗔𝗠𝗡𝗜 𝗞𝗔 𝗙𝗨𝗟𝗜𝗬𝗘𝗬 𝗗𝗘𝗘𝗚𝗔𝗔𝗡𝗢 𝗛𝗢𝗢𝗦 𝗧𝗔𝗚𝗔...

𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔𝗠𝗔𝗗𝗔 𝗕𝗢𝗢𝗟𝗜𝗦𝗞𝗔 𝗕𝗜𝗥𝗠𝗔𝗗𝗞𝗔 𝗞𝗚 𝗢𝗢 𝗛𝗢𝗪𝗟𝗚𝗔𝗟 𝗔𝗠𝗡𝗜 𝗞𝗔 𝗙𝗨𝗟𝗜𝗬𝗘𝗬 𝗗𝗘𝗘𝗚𝗔𝗔𝗡𝗢 𝗛𝗢𝗢𝗦 𝗧𝗔𝗚𝗔 𝗕𝗔𝗬𝗗𝗛𝗔𝗕𝗢

Ciidanka Booliska Birmadka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo lagu xoojinayo amniga ka sameeyay tuulooyin iyo deegaanno hoos yimaada magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Birmadka Dowladda Koonfur Galbeed, waxaana ku wehliyay Taliye Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa si wadajir ah u kormeeray xaaladda amni ee deegaannada iyo waddooyinka isku xira tuulooyinka hoos yimaada Baydhaba, iyagoo qiimeyn ku sameeyay xaaladda guud ee amniga iyo sida loo xaqiijin karo nabadgelyada shacabka.

Intii uu howlgalka socday, Taliyaha Ciidanka Booliska Birmadka ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada deegaanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay feejignaanta ciidamada, ilaalinta amniga shacabka iyo ka hortagga falalka amni-darrada, gaar ahaan waddooyinka iyo deegaannada ku dhow magaalada Baydhaba.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorsheyaasha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga guud, laguna xaqiijinayo nabadgelyada shacabka ku nool magaalada Baydhaba iyo deegaannada hoos yimaada.

Ciidamada amniga ayaa la filayaa inay sii wadaan howlgallada iyo kormeerada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada iyo waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Bay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments