Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho iyo kormeer ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo lagu dabiibayo askar ku dhaawacantay howlgallada iyo furimaha dagaalka.
Taliyaha ayaa si gaar ah u booqday askarta dhaawacantay, isagoo ka wareystay xaaladdooda caafimaad, baahiyahooda iyo adeegyada daryeel ee ay ka helayaan isbitaalka.
S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada dhaawacmay u muujiyay garab-istaag iyo dhiirrigelin, isagoo uga mahadceliyay dadaalka ay u soo galeen gudashada waajibaadka qaran iyo difaaca dalka. Waxa uu sidoo kale u rajeeyay caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho buuxda.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka Ciidanka, waxaana looga warbixiyay habka uu isbitaalku u shaqeeyo, adeegyada caafimaad ee uu bixiyo iyo dadaallada lagu horumarinayo daryeelka caafimaad ee askarta iyo bukaannada kale.
Booqashada Taliyaha ayaa muujinaysa muhiimadda uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed siinayo caafimaadka iyo daryeelka askarta, gaar ahaan ciidamada ku dhaawacma gudashada waajibaadka qaran.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale adkeeyay in garab-istaagga iyo daryeelka ciidamada dhaawacmay ay yihiin qeyb muhiim ah oo ka mid ah taageerada loo fidinayo askarta ka qeyb qaadata howlaha lagu sugayo amniga iyo difaaca dalka.



