HomeWarka𝗕𝗢𝗢𝗟𝗜𝗦𝗞𝗔 𝗣𝗨𝗡𝗧𝗟𝗔𝗡𝗗 𝗢𝗢 𝗚𝗔𝗖𝗔𝗡𝗧𝗔 𝗞𝗨 𝗗𝗛𝗜𝗚𝗔𝗬 𝗟𝗔𝗕𝗔 𝗘𝗘𝗗𝗘𝗘𝗦𝗔𝗡𝗘 𝗢𝗢 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗛𝗘𝗬𝗦𝗧𝗢 𝗝𝗜𝗥𝗗𝗜𝗟...

𝗕𝗢𝗢𝗟𝗜𝗦𝗞𝗔 𝗣𝗨𝗡𝗧𝗟𝗔𝗡𝗗 𝗢𝗢 𝗚𝗔𝗖𝗔𝗡𝗧𝗔 𝗞𝗨 𝗗𝗛𝗜𝗚𝗔𝗬 𝗟𝗔𝗕𝗔 𝗘𝗘𝗗𝗘𝗘𝗦𝗔𝗡𝗘 𝗢𝗢 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗛𝗘𝗬𝗦𝗧𝗢 𝗝𝗜𝗥𝗗𝗜𝗟 𝗚𝗔𝗕𝗔𝗗 𝗬𝗔𝗥

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Karkaar, ayaa magaalada Qardho ku qabtay Maymuun Sharmaake Nuur iyo Mulki Sharmaake Nuur, kuwaas oo loo haysto eedeymo la xiriira jirdil iyo tacaddi loo geystay gabar yar.

Muuqaal laga helay dhacdada ayaa muujinaya gabar yar oo loo geysanayo fal jirdil ah, iyadoo dhacdada la duubayay. Arrintan ayaa dhalisay walaac iyo caro ka dhex dhalatay bulshada, iyadoo dalabyo loo jeedinayo hay’adaha amniga iyo garsoorka in si dhab ah loo baaro dhacdada.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay inay si degdeg ah uga hawlgaleen dhacdada, ayna gacanta ku dhigeen labada qof ee loo haysto kiiska.

Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in loo gudbiyo hay’adaha garsoorka ee ay khuseyso, si baaritaan iyo tallaabo sharci ah looga qaado, iyadoo baaritaanka dhacdadu uu weli socdo.

Booliska ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqaya inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana wixii dhacdooyin noocan ah lagu soo wargeliyo hay’adaha ku shaqada leh, si loo ilaaliyo badqabka carruurta iyo dadka nugul.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments