HomeWarkaQarax Miino oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay ayaa ka Dhacay Beledweyne

Qarax Miino oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay ayaa ka Dhacay Beledweyne

BELEDWEYNE – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo saakay ka dhacay xaafadda Buundo Weyn ee magaalada Beledweyne, gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob uu ka socday dhismo, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan in miinada lagu aasay goobtaasi ka hor inta aysan qarxin. Goobta ayaa sidoo kale la sheegay inay ahayd meel ay ku kulmaan shaqaalaha dhismaha, isla markaana ay dhigtaan qalabka ay ku shaqeeyaan.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo fidiyay gurmad caafimaad, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdooda.

Ciidamada ammaanka magaalada Beledweyne ayaa qaraxa kaddib bilaabay baaritaanno iyo howlgallo lagu raadinayo cidda ka dambeysay falkaasi. Ilaa hadda hay’adaha ammaanka ma aysan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahsan oo ku saabsan qaraxa iyo cidda lala xiriirinayo.

Sidoo kale, ma jirto koox ilaa hadda si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana weli socda baaritaannada lagu ogaanayo duruufaha ku xeeran dhacdada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments